Calmiskaad: Ciidamada Puntland oo la wareegay ceelal fariisimo u ahaa Daacish

Ciidamada Puntland ee ka dagaalamaya buuraha Calmiskaad ayaa maanta howlgal ka fuliyay ceelasha Buticiso, Dharinta iyo Barakallaah ee togga Baallade, halkaas oo ay ku dhuumaalaysanayeen firxadka argagixisada Daacish.

Bayaan kooban oo ka soo baxay howlgalka Calmiskaad ayaa lagu yiri “guutooyinka ciidamada hawlgalka ku jira ayaa maanta gulufyo xooggan ka fuliyey togga Baallade, gaar ahaan ceelasha Buticiso, Dharinta iyo Barakallaah”

“Halgamayaasha dalkooda u huraya naftooda ayaa khawaariijta Daacish kala wareegey ceelasha Dharinta iyo Buticiso oo fadhiisimo muhiim ah u ahaa argagixisada, iyagoo hadda hawlgallo xooggan ka wada ceelka Barakallaah” ayaa lagu daray bayaanka.

Ciidamada Puntland oo muddo sanad ku dhow dagaal kula diray kooxda Daacish ayaa hadda howlgalkaasi wuxuu u muuqdaa mid gabogabo ku dhow.

PUNTLAND POST