
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay shirkii ay Nairobi ku yeesheen madaxweynayaasha Puntland, Jubaland & Madasha Samatabixinta iyo dhacdadii saldhigga Wardhiigley.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta oo jamce ah ka hadlay masjidka madaxtooyada ayaa sheegay in uu sameeyey ‘tanaasul’ uuna go’aansaday in uu lugihiisa ugu tago dowlad goboleedyada, balse ay iyagu dal shisheeye ku shirayaan oo aysan wadin dan Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu si adag u cambaareeyay booqashadii ay siyaadiyiinta mucaaradku dhawaan ku tageen salshigga booliska degmada Wardhiigley iyo iska-hor-imaadkii halkaas ka dhacay, isaga oo tilmaamay in mucaaradku aysan garanayn wax ay ka shaqaynayaan.
Wuxuu sheegay in hadda kaddib aan cidna laga aqbalayn in ay Muqdisho ku dhex-wadato baabuur qoryo saaran yihiin oo tikniko ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkaystay oo mar kale ku celiyey inuu sii wadayo doorashooyinka qof & cod iyo wax-ka-beddelka dastuurka.
Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujinaya in khilaafka u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada Puntland & Jubaland uu weli meeshiisii taagan yahay oo aysan jirin wax isu soo dhawaansho ah.
PUNTLAND POST