Maxay Dowladda Federaalka ka tiri shirkii Nairobi ee Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay shirkii ay magaalada Nairobi ku yeesheen iyo go’aannadii ka soo baxay madaxda Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta.

Wasiir Gaangaashiga Dowladda Federaalka, Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa heshiiskii ka soo baxay shirkii Nairobi ku tilmaamay mid loogu adeegayo dano shisheeye, isagoo yiri “Mustaqbalka Soomaaliya waxaa looga arrinsadaa gudaha Soomaaliya Maya dal ajnabi haddii aan shisheeye loo shaqaynayn”.

“Mustaqbalka Soomaaliya 5 nin oo dawladnimada Soomaaliya diidan in ay hanaqaado Marti uma ahan, kuwaasoo taariikhdooda la yaqaan” ayuu raaciyay.

Isagoo hadalkii sii wata ayuu hadana yiri “Mustaqbalka Soomaaliya kuwii saldhigga Wardhiigley weeraray iyo kuwii gadaal ka taagnaa laga sugi maayo”.

Madaxweynayaasha Puntland, Jubaland iyo  Madasha Samatabixinta ayaa shalay shir ay yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku heshiiyay in ay dhistaan gole ay ugu magac-dareen ‘Golaha Mustaqbalka Soomaaliya’.

Waxay kale oo ku heshiiyeen in ay shir isugu yimadaan gudaha dalka Soomaaliya, shirkaas oo ay uga arrinsanayaan go’aannada ay ka qaadanayaan xaalada kala guurka ah ee dalka. Sidoo kale waxay isku raaceen in dhismaha ‘Golaha Mustaqbalka Soomaaliya’ lagu dhameystiro shirka ay yeelan doonaan.

PUNTLAND POST