Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay axdi muran dhaliyay

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay Axdiga Afrika ee Xaquuqda Carruurta oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka.

Xeerkan ayaa ugu dambeyn waxaa u codeeyay in la meel mariyo oo haa ku ogolaatay 130 xildhibaan, waxaa sidoo kale xeerkan meel marintiisa diiday 10 xildhibaan halka ay ka aamuseen shan mudane.

Go’aankan ayaa sababay muran iyo dood xooggan, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ay ka soo horjeesteen ansixinta xeerkan ayna ku tilmaameen sharci ka hor imaanaya dhaqanka iyo shareecada Islaamka.

Xildhibaannadaas ayaa ku dooday in shareecadu qaangaarnimadeedu tahay 15 sano, balse axdigaan uu dhigayo 18 sano, taasna ay ku sheegeen mid laga soo minguuriyay sharciyo shisheeye, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale xildhibaannada taageeray xeerkan ayaa xusay in axdigani muhiim u yahay ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan difaaca ka dhan ah askareynta iyo tacaddiyada kale ee carruurta lagula kaco.

PUNTLAND POST