
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maalin jimcaha gaaro magaalada Kismaayo, halkaas oo uu wadahadal kula yeelanayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Waxaa la filayaa in wafdi hordhac u ah madaxweyne Xasan Sheekh ay maanta gaaraan magaalada Kismaayo, sidoo kale madaxweyne Axmed Madoobe oo hadda Nairobi ku sugan ayaa maalinta jimcaha ku wajahan Kismaayo.
Ajendaha kulanka Kismaayo ayaa ah mid aan xog badan laga hayn, iyadoo la ogaa in dowlada federaalka aysan aqoon sanayn Madaxweyne Axmed Madoobe, sidoo kale dagaallo dhiig badan ku daateen labada dhinac ku dhexmareen gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose.
Dalalka Kenya, Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa in dhawaale ku howlanaa isu soo dhoweynta labada dhinac, waxaana hore u jiray wadahadal khadka taleefoonka oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe dhexmaray, kaas oo uu isku xirkiisa lahaa taliyaha sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji.
PUNTLAND POST