
Puntland ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in nabad loogu wada noolaado magaalada Ceerigaabo, iyada oo waxgarad u dirtay gogosha nabadda ee uu dhawaan fidiyay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Siciid Axmed Jaamac Badmaax oo arrinta Ceerigaabo ka hadlay ayaa yiri “waxaan rabnaa Ceerigaabo lawada leeyahay oo cid walba xor u tahay deegaankeeda iyo aragtideeda, haddii taas aan nabad ku helno waan ku gaaraynaa, haddii kalena Alle ayaa iskeen baday”.
“Waxgaradka aan halkaas u dirsanay ayaa namatala, waxaana u malaynayaa wixii ay noo soo qaadaan in aysan noqonayn wax aan ku dulmanahay” ayuu raaciyay guddoomiye Badmaax.
PUNTLAND POST