WASIIR JUXA: Dalkaan waa lawada leeyahay Ciddii Tabasho Qabtana waa lala Hadlayaa

Muqdisho (PP) ─Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay inay Xukuumaddu mudnaanta koowaad siineyso arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo Amniga, isagoo ka dhawaajiyay cid kasta oo ka fikir duwan lala hadlayo.

Wasiir Juxa ayaa xusay in howlaha Wasaaraddiisa wado ee dib u heshiisiinta ay sii soconeyso, Wuxuuna qiray waxyaabaha la isku haayo ay kala gedisan yihiin, isla markaana ay kala heerar yihiin.

“Waxa la isku hayo waa kala-gedisan yahay, waana kala heerar, waa jirana waxyaabo la isku haayo ama ha ahaato kheyraad, siyaasad, Dastuur ama awoodeed, waqti bey qaadaneysa in la wada hadlo, cidii naga fikir duwan ama xabad nagu soo rideysa in lala hadlo diyaar baa lala yahay,” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa intaas ku daray in dalkaan la wada-leeyahay, isla markaana wixii jira la isaga soo dhowaan doono, cid kastana ay albaabada u furan yihiin.

“Waddankan waa la wada leeyahay, cid kasta albaabada waa u furan yahay, in miiska wada-hadalka waa furan yahay,” ayuu yiri mar kale yiri, iyadoo uu hadalkiisu u muuqday inuu si gaar ah uga hadlayo Xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka jira iyo khilaafyada dhanka dastuurka iyo awoodaha waddanka.

Ugu dambeyn, Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa wajaheysa culeysyo siyaasadeed oo gudaha iyo dibada isugu jira, iyadoo dadka siyaasiyiinta ee dhaliilsan qaabka dowladdiisa wax wado ay ku eedeynayaan albaabada Madaxda ay xiran yihiin, isla markaana aaya ka talinta dalka uu gacanta u galay shaqsiyaad kooban.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA WASIIR ARRIMAHA GUDAHA XUKUUMADDA SOOMAALIYA;

 

PUNTLAND POST