
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa madaxweynaha ku xigeenka labaad Jubaland u magacaabay Mukhtaar Sheekh Axmed Cabdulle.
Wareegto uu soo saaray madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu yiri “waxaa madaxweynaha dowladda Jubaland u magacaabay mudane Mukhtaar Sheekh Axmed Cabdulle madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubaland”. Waxaana la raaciyay “magacaabistani waxay dhaqan galaysaa marka uu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay” .
Xilka madaxweyne ku -xigeenkii labaad ee Jubaland waxaa bishii Juun ee sanadkii 2025 ka geeriyooday Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).

PUNTLAND POST