Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Jubaland oo geeriyooday

Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi oo maalmahii u danbeeyay xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Lugadheere, wuxuuna magacaabay guddi qabanqaabiya aaskiisa oo ka dhici doona magaalada Kismaayo.

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa ka tacsiyeeyay geerida madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Jubaland.

PUNTLAND POST