Digniin loo diray dadka ku nool xeebaha Puntland

Puntland ayaa digniin u dirtay dadka ku nool xeebaha Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, taas oo la xiriirta saameyn uu yeelan karo dhulgariirkii ka dhacay gunta hoose ee badda degmada Caluula.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dhulgariirkii ka dhacay gunta hoose ee badda degmada Caluula uu saamayn ku yeelan karo deegaannada ku yaalla xeebaha Puntland.

Wasiirka ayaa dadka degan xeebaha ugu baaqay in ay feejignaadaan islamarkaana aysan badda u shaqa tagin kalluumaysatada, gaadiidka baddana banaanka loo soo saaro, inta laga xaqiijinayo in xaaladda baddu wanaagsantahay.

Dhulgariir xaddiga cabbirkiisa lagu sheegay 6 ayaa habeen hore ka dhacay biyaha Puntland, gaar ahaan meel qiyaastii 145 km dhanka waqooyi ka xigta degmada Caluula ee xarunta gobolka Raascasayr.

PUNTLAND POST