
Dhulgariir cabbirkiisa lagu qiyaasay 6.0 Magnitude ayaa xalay saqdhexe ka dhacay biyaha Soomaaliya, gaar ahaan xeebaha degmada Caluula ee bariga Puntland.
Hay’adda Cilmi-baarista Juqraafiyeed ee Mareykanka (USGS) ayaa sheegtay in dhulgariirkan uu ka dhacay meel qiyaastii 91 mayl dhanka waqooyi ka xigta degmada Caluula, islamarkaana uu ka dhacay qoto dhan 6.3 mayl.
Wararka ayaa sheegaya in degmada Caluula iyo agagaarkeeda laga dareemay gariir, inkastoo aan ilaa iyo hadda la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dhulgariirkaas.
Dowladda Puntland iyo tan federaalka ayaa dhankooda weli ka hadlin dhulgariirka ka dhacay xeebaha degmada Caluula ee xarunta gobolka Raascasayr.
PUNTLAND POST