Shil gaari oo dhaliyay khasaare oo ka dhacay Garoowe

Hal qof ayaa ku dhintay, midna waa ku dhaawacmay shil gaari oo maanta ka dhacay wadada shirkadda korontada NECSOM ee beriga magaalada Garoowe.

Gaariga shilka galay ayaa noociisu ahaa Probox, kaas oo ku xerooday mid ka mid ah baallayaasha NECSOM ee ka taagan wadada dhinaceeda.

Sidoo kale shirkaas wuxuu sababay in qaybo ka mid ah magaalada Garoowe ay korontadu ka tagto, kaddib markii uu dhacay baalle muhiim ah, sida ay sheegtay shirkadda NECSOM.

Labo todobaad ka hor waxaa isla wadadan ka dhacay shil gaari Probox ah, kaas oo uu ku geeriyooday taliyihii saldhigga Bari ee magaalada Garoowe, Burhaan Cabdi Cawad, sidoo kale uu ku dhaawacmay hal askari.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay shilalka gaadiidka ee ka dhaca deegaannada Puntland, kuwaas oo badankood loo aaneeyo khibrad yarida wadayaasha gaadiidka.

PUNTLAND POST