
Taliyihii saldhiga Bari ee magaalada Garowe Burhaan Cabdi Cawad ayaa ku geeriyooday shil gaari oo maqribkii galabta ka dhacay gudaha magaalada Garowe.
Shilka oo ka dhacay wadada NECSOM ee beriga magaalada ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay hal askari oo la socday taliyaha, kaddib markii uu wadada kala baxay gaari nooca Probox ah.
Marxuum Burhaan Cabdi Cawad wuxuu ka mid ahaa saraakiisha aqoonyahanka ah ee dhawaan ku soo biiray Ciidanka Booliska Puntland.
PUNTLAND POST