Khilaaf ka dhex qarxay madaxda Galmudug

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa soo dhaweeyay in doorasho qof iyo cod ah ka bilaabato deegaanada Galmudug, xilli khilaaf cusub uu dhawaan ka dhex qarxay dowladda Federaalka iyo madaxweyne Qoorqoor.

Cali Ciid ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in uu soo dhaweynayno horumarrada laga gaaray geedi-socodka dimuqraadiyadda ee dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

“Waxaan si diiran u soo dhaweynaynaa qabashada doorashada Koonfur Galbeed, taas oo fure u ah xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka degaanka” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

“Sidoo kale, waxaan bogaadinaynaa bilowga hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee Galmudug. Tani waa tallaabo geesinnimo leh oo loo qaaday dhanka nidaamka qof iyo cod” ayuu raaciyay.

Hadalka madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa yimid, xilli khilaaf ka dhaxeeyo dowladda Federaalka iyo madaxweyne Qoorqoor oo diiday xilka qaadis lagu sameesay Talihii Booliska Galmudug.

PUNTLAND POST