Khilaaf ka dhex qarxay Galmudug iyo Federaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilkii ka qaaday Taliyihii Booliska Galmudug Khaliif Cabdulle Maalin (Ilkacase), iyada oo xilkaas u magacowday Col. Maxamed Daahir Cabdulle oo mid ah ahaa saraakiisha Villa Somalia.

Saacado yar kaddib madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa soo saaray weergto uu isna taliyaha Booliska Galmudug ugu magacaabay Khaliif Ilkacase oo ah taliyihii ay dowlada Federaalka xilka qaadista ku sameysay.

Arrintan ayaa u muuqata khilaafka ka dhex qarxay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedka Galmudug oo muddo ku wada socday wax ka baddelkii dastuurka iyo doorasho qof iyo cod.

Qaabka uu u bilowdag khilaafka labada dhinac ayaa u eg sidii uu ku bilowday kii Laftagareen iyo dowladda Federaalka, waxaana muuqata in la isla aaday dhanka ciidamada.

PUNTLAND POST