
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay booqday dekedda magaalada Boosaaso oo aan la ahayn adeegyada muhiimka ah ee dekedaha.
Madaxweyne Deni wuxuu warbixin ka dhegaystay mas’uuliyiinta dekedda Boosaaso, maxjarada iyo qaar ka mid ah ganacsatada oo uu halkaasi kula kulmay, kuwaas oo u gudbiyay caqabadaha gaadiidku kala kulmo dekedda.
Sanadihii ugu dambeeyay waxaa dekedda muhiimka ah ee Boosaaso laga soo sheegayay dab-damis la’aan iyo ciid xirtay marinka uu ka soo galo gaadiidka, arrimahaas oo sababay gaadiid badan oo ku gubtay iyo kuwo ciid ku qabsatay.
Dekedda Boosaaso waxaa muddo toban sano ah muumuleysay shirkada P&O oo laga leeyahay dalka Imaaraadka, taas oo aan weli fulin heshiiskii lala galay oo dhigayay in 24 bilood gudahood ku dhameystirto dhismaha iyo casriyaynta dekedda.
PUNTLAND POST