
Marinka dekedda magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka buuxsantay ciid, taas oo sababtay in ay qabsato qaar ka mid ah gaadiidka u socda dekedda.
Doon lagu magacaabo Baarakalah ayaa maanta markii ay soo geli lahayd dekedda waxaa ku dhegtay ciidaas, taas oo keentay in doon kale la adeegso, si looga wareejiyo rarka ay waday. Doonta oo ka timid dalka Cumaan waxay u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed, iyada oo waday badeecado kala duwan.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa dekedda muhiimka ah ee Boosaaso laga soo sheegayay ciid ka buuxsantay iyo dayac kale balse ma jirin cid wax shaqo ah ka qabatay.
Dekedda Boosaaso oo ay muddo 10 sano ah maamulayso shirkad Imaaraad ah ayaa la ahayn adeegyada muhiimka ah ee dekedaha.
PUNTLAND POST