Puntland: Burcad-badeed madax-furasho u qaatay $1.2 milyan

Kooxdii burcad-badeeda ee haysatay markabka kalluumeysiga Liao Dong Yu 578 oo laga lahaa wadanka Shiinaha ayaa madax furasho loo siiyay lacag dhan $1.2 milyan.

Kooxda burcad-badeeda ayaa xalay saqdii dhexe markabka kaga degay xeebaha degmada Banderbayla ee Puntland, halkaas oo ay ku haysteen muddo labo bilood ah.

Markabka kalluumeysiga ee Liao Dong Yu 578 waxaa la qabsaday 31 bishii Diseembar ee sanadkii hore, waxaana saarnaa 18 shaqaale ah oo mid ka mid ah uu ku dhaawacmay weerarkii lagu qabsaday.

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya oo ka hadashay siidayn markabka kalluumeysiga ee Liao Dong Yu 578 waxay cambaareysay qabsashadiisii.

Waa markii labaad oo markabkan laga qaato madax-furasho, horraantii bishii Nofeembar 2024 ayaa mar kale la afduubtay, waxaana la sii daayey bishii Jannaayo 2025, kaddib markii la bixiyey lacag madax-furasho ah oo dhan $2 milyan.

Weeraro ka dhan ah maraakiibta iyo doonyaha ayaa muddooyinkii dambe ka dhacayay xeebaha Puntland, taas oo muujinaysa in ay dib u soo laabteen falalkii burcad-badeeda.

PUNTLAND POST