Somaliland oo shaacisay xilliga uu Cirro tagi doono Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa dhammaadka bisha Maarso booqasho ku tagi doona Israa’iil, sida uu baahiyay telefishanka ku hadla afka maamulka Somaliland.

Qoraal uu telefishanka soo dhigay barta Facebook-ga, ayaa lagu sheegay in booqashadan noqon doonto booqashadii ugu horreysay ee uu madaxweynaha Somaliland si rasmi ah ugu tego Israa’iil.

Wuxuu dhanka kale sheegay in labada dhinac ay xoogga saari doonaan dhinacyada tiknoloojiyadda, beeraha iyo hal abuurka.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa markii uu bishii dabayaaqadii Diseembar 2025 ku dhawaaqay in uu aqoonsaday Somaliland, wuxuu Cirro u fidiyey booqasho uu ku yimaado Israa’iil. 

Heshiiska Israa’iil iyo maamulka Somaliland oo aan weli si rasmi ah loo soo bandhigin waxaa dhaliilsan xisbiga Kaah oo uu hoggaamiyo Maxamuud Xaashi iyo madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi.

PUNTLAND POST