Farmaajo oo faahfaahiyay kulan uu la qaatay Deni

Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay kulan uu maanta la qaatay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa sheegay in kulankaas uu ku saabsanaa xaaladda dalka, adkaynta midnimada iyo xal-u-helidda khilaafaadka ka taagan dastuurka iyo doorashooyinka.

Farmaajo waxa uu madaxweyne Deni ku bogaadiyey dadaalka uu ku bixinayo sidii loo gaari lahaa heshiis loo dhan yahay oo dalka looga badbaadiyo hubanti la’aan siyaasadeed iyo qalalaase amni.

Hadal qoraal ah oo soo saaray Farmaajo ayuu ku yiri “Waxaan kulan ku saabsan xaaladda dalka, adkaynta midnimada iyo xal-u-helidda khilaafaadka ka taagan dastuurka iyo doorashooyinka dalka la qaatay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ay wehelinayeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta goleyaasha dowladda Puntland oo maanta booqasho iyo salaam iigu yimid”.

“Wafdiga Puntland waxaan ku bogaadiyey niyadsamida iyo dadaalka ay ku bixinayaan sidii loo gaari lahaa heshiis loo dhan yahay oo dalka looga badbaadiyo hubanti la’aan siyaasadeed iyo qalalaase amni” ayuu ku daray.

Madaxweyne Deni waxaa booqashada Farmaajo ku weheliyey guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Puntland Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, saraakiil madaxtooyo iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka Farmaajo iyo Deni wuxuu soo aaday, iyada oo maalmo ka hor uu fashilmay shirkii wadahadalada madaxda dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kaddib markii la isku mari-waayay arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

PUNTLAND POST