Deni oo kulan la qaatay xubno ka mid ah xildhibaanada Federaalka ku metela Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Den ayaa xalay kulan la qaatay xubno ka mid ah xildhibaanada Puntland ku metela dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Xalane ee Muqdisho waxaa lagu sheegay in uu ahaa is-xogwareysi iyo wadatashi, sida lagu xusay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Puntland, kuwaas oo qayb ka ah wafdi madaxweyne ee ku sugan Muqdisho.

Madaxweyne Deni wuxuu muddo labo todobaad ka badan ku sugan magaalada Muqdisho, halkaas oo uu u tagay wadahadaladii fashilmay ee madaxda Dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

Madaxweyne Siciid Deni wuxuu hore u sheegay in uusan magaalada Muqdisho ka tagi doonin tan iyo inta laga heshiinayo arrimaha doorashooyinka, waxaase hadda la filayaa in uu maalmaha soo socda dib ugu soo laabto Puntland.

PUNTLAND POST