Dowladda Ingiriiska oo baaq u dirtay Dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka

Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa madaxda Dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ugu baaqday in ay isu tanaasulaan oo sii wadaan wadahadalka.

Dowladda Ingiriiska waxay sheegtay in ay ka xun tahay isfahan la’aanta labada dhinac, iyada oo xustay in ay taageerayso dadaallada wax looga qabanayo arrimaha taagan.

Bayaan ka soo baxay safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa lagu yiri “waa wax laga xumaado in weli la isku afgaran waayo shirka DFS iyo SFC ee Muqdisho. Boqortooyada Ingiriiska oo ay weheliyaan la-hawlgalayaasheeda, waxay sii wadayaan taageerada dadaallada wax looga qabanayo arrimaha taagan”.

“Waxaan la xiriirnay dhammaan dhinacyada, waxaana ku boorrinay in la isu tanaasulo oo la sii wado wadahadalka” ayaa lagu daray.

PUNTLAND POST