
Golaha Mustaqbalka ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa maanta kulan gaar ah ku yeelanaya hotel-ka Airport ee xarunta Xalane, kaddib markii uu shalay natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii iyaga iyo madaxda Dowladda Federaalka.
Kulanka waxay uga tashan doonaan tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan, waxaana lagu wadaa in ay ka soo saaraan war-saxaafadeed ay ugu hadlayaan wadahadalladii ugu dambeeyay ee ay la yeesheen Dowladda Federaalka.
Dhanka kale warar ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday Golaha Mustaqbalka in ay sugaan illaa maanta gelinka hore, islamarkaana aysan si degdeg ah war uga soo saarin fashilka wadahadallada, si fursad loo siiyo dadaallada xal-raadinta ama go’aan kale looga gaaro jihada siyaasadeed.
Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa wadda dadaalo ay ku dhexdhexaadinayso labada dhinac, iyada oo ku caddaadinaysa in ay heshiis gaaraan inta aysan kala tagin.
Shirkii shalay wuxuu fashilmay kaddib markii labada dhinac ay isku fahmi-waayeen arrimaha doorashooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Dowladda Federaalka waxay ku adkaysatay in ay dalka ka qabanayso doorasho qof iyo cod ah oo aan dib loogu laabanayn doorasho dadban oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah.
Golaha Mustaqbalka dhankooda wuxuu go’aankoodu ahaa in dowlad goboleedyada wakhtigooda dhaafay ay doorashooyin dadban qabsadaan, in Dowladda Federaalka ah ay qabato doorasho heshiis lagu yahay oo wakhtigeeda ku dhacda iyo in dastuurka Soomaaliya yahay kii 2012, islamarkaana aysan waxba ka jirin wax ka baddelka kasta oo lagu sameeyay.
PUNTLAND POST