
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay weerar maalmo ka hor ka dhacay gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed dalka Nigeria, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 50 qof oo rayid ah, islamarkaana lagu afduubtay haween iyo carruur.
War-saxaafadeed maanta ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya waxay si kulul u cambaaraynaysaa weerarrada argagixiso ee ka dhacay gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed dalka Nigeria, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 50 qof oo rayid ah, islamarkaana lagu afduubtay haween iyo carruur”.
“Soomaaliya waxay garab istaag u muujinaysaa dowladda iyo shacabka Nigeria, waxayna tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkooda, iyadoo u rajaynaysa dhaawacyada bogsasho degdeg ah” ayaa la raaciyay.
Dowladda Soomaaliya waxay ku baaqday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan dadka la afduubtay, waxayna taageertay dadaallada ay dowladda Nigeria ku doonayso in caddaaladda la horkeeno kuwii falalkan geystay.

PUNTLAND POST