
Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday madaxda Dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka in ay sii wadaan wadahadalada oo aysan kala tagin ilaa ay heshiis gaaraan.
Hadal qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa lagu yiri “wadahadalka iyo isu tanaasulku waa adag yihiin, laakiin waa lama huraan, waxaan ku dhiirrigelinaynaa madaxda Soomaaliya in ay sii wadaan xal raadintooda”.
“Hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya oo mideysan wuxuu ka hortagayaa argagixisada, wuxuu xoojinayaa dowladnimada, wuxuuna horumarinayaa mudnaanta Soomaaliya iyo beesha caalamka” ayaa lagu daray qoraalka Maraykanka.
Hadalka dowladda Maraykanka wuxuu yimid, kaddib markii shalay uu fashilmay shirkii wadahadalada ee u socday madaxda Dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta.
PUNTLAND POST