
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Dowladda Federaalka ah ee hadda jirta ku eedeeyay in ay burburinayso nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweyne Deni oo xalay hadal ka jeediyay kulan uu magaalada Muqdisho kula qaatay qaar ka mid ah bulshada gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay Puntland iyo Jubland kula dagaalamayso ku dhaqanka nidaamka federaalka, isaga oo xusay in goboleedyada kalena laga adkaaday oo madaxdoodii si sharci darro ah ku fadiyaan.
Wuxuu ugu baaqay dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle in ay qabsadaan doorasho ku salaysan dastuurkii 2012. Sidoo kale wxuu ku baaqay in laga heshiisyo arrimaha doorashooyinka dalka, isaga oo sheegay in ay taasi tahay xalka keliya ee Soomaaliya.
Hoos ka daawa khudbada Deni oo dhameystiran
PUNTLAND POST