
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay Soomaaliya khatar ugu jirto kala go’ iyo in dad aan la garanayn qabsadaan.
Madaxweyne Deni oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa yiri “dalkan labo khatarood xoog bay ugu soo socdaan, in uu kala irdhoobo oo kala tago iyo in dad aan la garanayn qabsadaan”.
Madaxweyne Deni wuxuu khatarta labaad tusaale ugu soo qaatay ajaaniibtii lagu qabtay dagaalka Daacish iyo wixii ay Puntland ku aragtay buuraleyda Calmiskaad.
Wuxuu sheegay in khatar taas ka weyn laga filan karo gobolada Koonfurta Soomaaliya ee gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in waxyaabo badan ay is huwan yihiin oo khatarada hadda ka socda Soomaaliya ay ku lug leeyihiin dowlado shisheeye.
PUNTLAND POST