
Golaha Mustaqbalka ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay hotel-ka Airport ee xarunta Xalane, kaddib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud diiday in uu la kulmo xubno gaar ah oo ay khamiistii u magacowdeen wadahadallada iyaga iyo dowladda.
Golaha Mustaqbalka ayaa kulankoodii maanta isku raacay in dhammaantood ay berri tagaan kulan ka dhacaya xarunta madaxtooyada ee Villla Somalia.
Sidoo kale Golaha Mustaqbalka waxay dhammaantood isku raaceen in miiska wadahadallada ay la tagaan saddex qodob oo kala ah;
1. In Dastuurka Soomaaliya yahay kii 2012, islamarkaana aysan waxba ka jirin wax ka baddelka kasta oo lagu sameeyay.
2. In Dowlad goboleedyada wakhtigooda dhaafay ay doorashooyinkooda qabsadaan, iyaga oo gelaya doorasho dadban.
3. In Dowladda Federaalka ah ay qabato doorasho heshiis lagu yahay oo wakhtigeeda ku dhacda.
PUNTLAND POST