
Golaha Mustaqbalka ayaa ka hadlay kulan ay maanta la yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ka dhacay hotel-ka Decale oo ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha Cadde ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Cabdullaahi Carab oo ah xoghayaha Golaha Mustaqbalka oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in isfahan laga gaaray kulanka, isagoo sheegay in kulamada labada dhinac ay sidaas ku bilowdeen oo sii socon doonaan saacadaha iyo maalmaha soo socda.
Sidoo kale xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kulankan ka hadlay ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “waxaan maanta ka qaybgalay qado sharaf uu Madaxweyne Xasan Sheekh u fidiyey madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, taasoo horudhac u ah kulamada wadaxaajoodka”.
“Waxaan rajaynayaa in wadahadalku mirodhal noqdo si dalka looga samatabixiyo xaaladda adag ee abaaraha, culaysyada dhaqaale, hubanti la’aanta siyaasadeed ee xilliga kala-guurka iyo damaca shisheeyaha”.
Dhanka kale xubno ka tirsan dowladda, gaar ahaan golaha xukuumadda oo wax laga weydiiyay kulanka ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan wadahadallada u bilowday madaxweyne Xasan Sheekh iyo Golaha Mustaqbalka.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiiradda.
PUNTLAND POST