Buuq iyo gacan-qaad ka dhacay gudaha baarlamaanka Soomaaliya

Kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo la doonayay in looga doodo wax ka beddelka qodobo ka mid ah dastuurka ayaa waxaa ka taagan buuq iyo sawaxan, waxaana jira xildhibaano iyo boolis isu gacan-qaaday.

Xildhibaanada mucaaradka ah oo ku doodaya in qorshaha wax ka baddelka dastuurka uusan marin wadatashi iyo habraac sharci ayaa diidan ajandaha kulanka, halka xildhibaanada muxaafidka ah doonayaan in wax ka baddel lagu sameeyo cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu gebi ahaanba joojiyo wax ka baddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka, hase ahaatee madaxweynahu wuxuu dardargeliyay sii wadida qodobkaas.

Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta waxay wax ka baddelka dastuurka ku tilmaameen mid lagu carqaladeynayo gogosha ay aqbaleen ee Muqdisho.

PUNTLAND POST