Xagee marayaa dhismaha wadada Ceeldaahir–Ceerigaabo 10 sano kadib?

Puntland oo ka warbixisay dhismaha wadada Ceeldaahir–Ceerigaabo ayaa sheegtay in la dhisay ku dhawaad 70-km oo ka mid ah wadadaas.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid oo qoraal uu soo saaray kaga hadlay dhismaha wadadan ayaa tilmaamay in la gaaray 70-km oo isugu jirta in laami la saaray iyo in shaqo ka socoto.

Guddoomiye Cabdirisaaq wuxuu xusay in dhamaadka wajiga labaad ee dhismaha wadadan ay ka harsan tahay 18-km, kaas oo ku eg magaalada Badhan.

“Wajiga labaad waxaa laami la saaray ilaa deegaanka Rad, waxaana shaqo ka socotaa ilaa deegaanka Gumar, taas oo u dhiganta in 70-km la diyaarshay. Dhamaadka wajiga 2-aad ee ilaa Badhan waxaa ka haray 18-km” ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq.

Dhismaha wadada Ceeldaahir–Ceerigaabo ayaa la bilaabay 2015, markaas oo uu hoggaanka Puntland hayay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

PUNTLAND POST