
Guddigga doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaciyay ururada siyaasadda ee soo gudbiyay liiska rasmiga ah ee musharaxiinta golaha deegaanka gobolka Banaadir.
Guddiga wuxuu soo bandhigay magacyada 20 urur siyaasadeed iyo liiska musharaxiintooda ka qaybgalaya doorashada qof iyo cod ah ee dowladda federaalka qorsheynayso in ay 25-ka bishan Diseembar ka dhacdo 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.
Ururada siyaasadda ee ku loolamaya doorashada golaha deegaanka Muqdisho waxaa ka soo muuqday Sincad oo ka mid ah xisbiyada siyaasadda Puntland, kaas oo uu hoggaamiye siyaasi Maxamuud Khaliif Jabiye.
Sincad ayaa ka mid ahaa saddexdii xisbi ee ugu cododka badnaa doorashooyinkii golaha deegaanka degmooyinka Puntland ee dhacay 25 Maajo 2023.

PUNTLAND POST