
Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa diray baaq ku aadan xaaladda adag ee abaaraha dalka.
Madaxweyne hore Farmaajo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in xaalad bini’aadantinimo ay ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, taas oo uu tilmaamay in ay saameysay ku dhowaad 5 milyan oo qof oo aan helin gurmad u dhigma xaaladda ay ku jiraan.
Farmaajo waxa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada in ay u midoobaan ka jawaabista xaaladda adag ee ay wajahayaan dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay
in ay u istaagaan samatabixinta dadka dhibaataysan ee ay saameeyeen abaaraha, maadaama buu yiri ay hoos u dhacday kaalmadii bin’aadantinimo ee caalamiga.

PUNTLAND POST