
Dowladda Puntland ayaa mamnuucday dhoofinta xoolaha yaryar ee jaqiiqda loo yaqaan, kuwaas oo da’doodu tahay sanad iyo wixii ka yar.
Puntland ayaa sheegtay in dekedaha, garoomada iyo marsooyinka yaryar aan laga dhoofin karin xoolo aan soo marin habraacyada baarista caafimaadka xoolaha ee ay dejisay wasaaradda xannaanada xoolaha iyo dalalka loo dhoofinayo, iyadoo maxjaradda Boosaaso la faray in aysan ogolaan in xeryahooda la soo geliyo ama lagu baaro xoolo da’doodu tahay sanad iyo wixii ka yar.
Puntland ayaa xustay in dhoofinta xoolaha yaryar ay keentay dhimasho iyo in tayo xumo loo soo celiyo marka la dhoofiyo.

PUNTLAND POST