
Mas’uuliyiin ka socda Puntland iyo Somaliland oo labadii maalin ee u dambeeyay shir uga socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa halkaas ku gaaray heshiis la xiriira arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay si wadajir ah isaga kaashadaan la dagaalanka argagixisada Al-shabaab & Daacish iyo sida ay sheegeen cidkasta oo ficilo argagixiso ah ka fulisa xuduuda labada dhinac.
Sidoo kale waxay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan la dagaalanka dambiyada ka dhaca biyaha hoos yimaada badaha labada dhinac.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ay si dhow isaga kaashadaan ka-hortaga iyo ka-dabataga dambiyada abaabulan ee wax u dhimaya danaha amni iyo dhaqaale ee labada maamul.
Labada maamul waxay ku heshiiyeen in si nabad ah lagu soo afjaro colaadii ka dhacday magaalada Ceerigaabo.
Puntland iyo Somaliland waxay kale oo ku heshiiyeen hirgelinta kaabayaal dhaqaale oo isku xira labada dhinac.
Labada dhinac waxay wada cambaareeyeen oo ka soo horjeensadeen wax ay ku sheegeen siyaasadeynta iyo ku xad-gudubka badqabka duulimaadyada rayidka iyo isticmaalka hawada.
War-murtiyeedka labada dhanac


PUNTLAND POST