Dowladda Federaalka oo ka hadashay markabka hubka sida

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay markabka hubka sida ee SEA WORLD, kaas oo ay maalmo ka hor Puntland ku qabatay xeebaha degmada Bareeda, hadana ku xiran dekedda magaalada Boosaaso.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabada ay Puntland qaaday tahay afduub iyo xad gudub lagula kacay markabka lagu magacaabo SEA WORLD.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in markabkaas uu u socday dekedda Muqdisho, islamarkaasna uu siday qalab ciidan oo loo waday xarunta tababarka ciidamada ee TÜRKSOM.

Dowladda federaalka ayaa ugu baaqday Puntland in ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah ku sii dayso markabka, haddii la sii haystana waxay sheegtay in ay tallaabo amni ka qaadayso goobaha iyo furdooyinka xuddunta u noqda wax ay ku tilmaantay “falal burcad-badeednimo oo liddi ku ah xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah”.

PUNTLAND POST