Muqdisho (Faallo PP) — Madaxweynaha Mamulka Puntland wuxuu dhowan Baydhaba ka sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay dawlad shaqaynaysa oo keliya marka madaxda isku fiican yihiin. “Markay madaxdu isqabtaan Soomaaliya waa loo cabsadaa” ayuu Madaxweyne Deni Yiri. Waa dhibaato dowladnimada Soomaaliya ay ku gudbi la’dahay. Ismaandhaafka hadda soo kala dhexgalay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare ayaa caddaynaysa ay tabaalaha siyaasadeed uu Madaxweyne Deni si kooban oo qoto dheer u dul istaagay.
Deni wuxuu kale oo ka digay in murashixiinta mucaaradku sameeyaan gole qaran u eg dawlad barbar la ah midda hadda jirta haddii sida ay wax u doonayaan suurtoobi weyso. 1991kii madaxdii USC waxay moodayeen in Muqdisho tahay meesha Soomaaliya oo dhan laga xukumo xitaa kaddib markay ciidankii Xoogga Dalka kala direen. Maanta Soomaaliya ma laha Ciidan Xoog Dalka dalka oo dhan jooga. Ciidan dhisida Turkigu gacanta geystay waxaa halis u arka dowlado dhowr ah oo qaba in diyaaradaha aan is wadin iyo hubka kaleba ay geli karaan gacanta beelaha. Weli Muqdisho dadku wuxuu u kala deggan yahay beel beel, waana raadkii dagaalladii sagaashamaadkii ka dhacay Muqdisho.

Maanta Deni wuxuu qaadan karaa kaalin uu iskugu soo dhoweynayo madaxda sare ee qaranka iyadoo qofna aan laga oggolaanaynin in uu ku tunto heshiisyadii hore loo galay si loo dhaqaajiyo doorashada dadban.
Ra’iisal Wasaare Rooble wuxuu isku dayi doonaa inuu isa siiyo awoodo loo diiday Madaxweyne Farmaajo; wuxuu isku dayi doonaa inuu soo bandhigo dooddii Madaxweyne Xasan Sheekh ku saabsan dib uga wadahadalka heshiiskii doorashada. Ujeeddadu waa in murrashixiinta mucaaradku yeeshaan awood u dhiganta tan maamul federaaleedyada, isla markaasna la wiiqo awoodda guddiyada doorashooyinka heer federaal.
Madaxweyne Deni waa inuu ku dadaalo ka hortagga in doorashada laga weeciyo marinkii hore. Sidoo kale waa inuu ku taliyo in maamulka Koonfur Galbeed laga shaafiyo go’aankii Wasiirka Amnigu ku damqay boogtii siyaasadeed kadiib markuu isku dayay inuu u adeegsado Mukhtaar Roobow cabsigelinta Maamulka Koofur Galbeed oo lagula kacay wax lagala xishooday maamulka Galmudug markii ay socotay colaaddii ay Ahlu Sunna aloostay. Madaxweyne Deni waa inuu qaato kaalin taariikhi ah si loo arko in Soomaalidu ku filan tahay dhammaynta murannada siyaasadeed uu ajnabigu buunbuuniyo.
© Puntland Post, 2022