Puntland: Ciidamada amniga oo joojiyay shir ka socday Garowe

shirka la joojiyay

Ciidamada amaanka gobolka Nugaal ayaa galabta joojiyay shir ka socday Hotelka New Rays ee magaalada Garowe.

Shirka la joojiyay waxaa soo qaban-qaabiyay Gole la magac-baxay Runta iyo Cadaaladda, waxaana ka qeyb galay masuulyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, odoyaal dhaqan iyo waxgarad kale.

Warqada casuumadda shirka waxaa markii hore lagu soo qoray “Qado sharaf odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kale ee reer Puntland”, balse sida ay dad ka qeyb galay oo codsaday in aan magacooda la xigan u sheegeen PUNTLAND POST looga hadlay arrimo siyaasadeed oo aan markii hore loo sheegin, sidoo kale waxay sheegeen in xiliga shirka la joojiyay uu ahaa gabo-gabo.

Dhanka kale saraakiil ka tirsan ciidamada amniga gobolka Nugaal ayaa u sheegay PUNTLAND POST in ujeedada shirkan loo joojiyay ahayd  in uusan ogolaansho ka haysan Guddiga amniga gobolka.

Bishii Octoober ee sanadkan ayaa war ka soo baxay maamulka gobolka Nugaal lagu sheegay in Garowe lagu qaban karin shir aan ogolaansho looga haysan Guddiga amniga gobolka.

Maahan markii ugu horeysay oo shir ay ku lug leedahay federaalku la joojiyo, dhawaan ahay ahayd markii Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas oo dalka ka maqan uu amar ku bixiyay in la joojiyo, kulan uu soo agaasimay wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Soomaaliya oo lagu qaban lahaa  Garowe.

Golaha Runta iyo Cadaaladda ayaa ah Gole ay dhawaan magaalada Garowe ka asaaseen siyaasiyiin reer Puntland ah.

PUNTLAND POST