PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Booliska Puntland oo khamri iyo rag ku eedeysan ku qabtay Garoowe

Share

Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in ay magalada caasimadda ah ee Garoowe ku qabteen gaadiid waday maandooriyaha khamriga iyo rag ku eedeysan kiiskaas.

Booliska Puntland ayaa sheegay in ciidanka saldhigga dhexe ee Garoowe ay gacanta ku dhigeen gaari nooca Probox ah iyo mooto Bajaaj waday maandooriyaha khamriga.

Sidoo kale Booliska Puntland waxay tilmaameen in ay gacanta ku dhigeen saddex nin oo ku eedeysan in ay wateen maandooriyaha khamriga, kuwaas oo ay xuseen in la horgeyn doono hay’adaha sharciga.

Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu yiri “Ciidanka Booliska Qaybta Gobolka Nugaal, gaar ahaan Saldhigga Dhexe ee Caasimadda Garoowe, ayaa gacanta ku dhigay laba gaari oo siday khamri, kuwaas oo kala ah Bajaaj iyo gaari nooca Probox-ka ah”.

“Howlgalkan ayaa yimid kaddib markii ciidanku heleen xog amni oo la xiriirta ka ganacsiga iyo qaybinta maan-dooriyaha taas oo ay si degdeg ah uga jawaabeen kuna guuleysteen inay soo qabtaan labada gaari, ee khamriga siday iyo eedaysanaashii watay waxaana loo gudbin doonaa hay’adaha caddaaladda” ayaa raaciyay.

Boolisk Puntland ayaa muddooyinkii dambe magaalada Garoowe ka waday howlgallo lagu dagaalamayo maandooriyaha khamriga iyo falalka kale ee lidka ku ah amniga caasimadda.

PUNTLAND POST