Maamulka Nugaal oo soo saaray go’aano

Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), Guddoomiyaha gobolka Nugaal

War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Nugaal ayaa lagu sheegay in Garowe lagu qaban karin shir aan ogolaansho looga haysan Guddiga amniga gobolka.

Maamulka Nugaal ayaa Hoteeladda iyo goobaha kale ee la isugu yimaado faray in cidkasta oo shirk u qabsanaysa ay wataan ogolaanshaha Guddiga amniga gobolka.

Sidoo kale maamulka gobolka Nugaal ayaa warbaahinta ka cosaday in ay kala shaqeeyaan amniga iyo ilaalinta dhaqanka wanaagsan, wuxuuna Wasaarada Warfaafinta ka codsaday in ay soo gudbiyaan hay’adaha warbaahinta iyo suxufiyiinta ka diwaan gashan gobolka .

Go’aanadan ayaa ku soo aadaya iyadoo xalay amar ka soo baxay Madaxtooyada Puntland lagu joojiyay kulan ay Garowe ku qaban la haayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka caalamiga Jamaal Maxamed Xasan iyo Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka madaxa-bannaan ee Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey).

Kulankaas sababihii loo joojiyay ayaa warar aan helnay sheegayaan in ay kamid tahay in aan la socodsiin masuuliyiinta Puntland, iyadoo horey Puntland u sheegtay in ay hakisay xiriirkii wada shaqayneed ee dowladda federaalka.

Hoos ka akhriso qoraalka gobolka Nugaal

PUNTLAND POST