Madaxweyne Gaas oo kulan ka joojiyay mas’uuliyiin heer Federaal ah

Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo dalka ka maqan ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo,kulan uu soo agaasimay wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Soomaaliya oo Garoowe lagu qaban lahaa,sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan madaxtooyada Puntland.

WasiirJamaal oo maanta Garoowe loogu doortay xubin ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sida wararku sheegayaan caawo kulan ku qaban lahaaa xarunta jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe,kulankaas oo la qorsheeyay in ardada jaamacadda ay khudbado ugu jeediyaan,wasiirka iyo mas’uuliyiin kale oo heer Federaal ah.

Mas’uuliyiinta kulanka laga joojiyay ayaa kala ah;WasiirJamaal oo ka  hadli lahaa deeqaha Caalamku siiyo Soomaaliya iyo sida loo maamulo,Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa-bannaan ee Soomaaliya,kana hadli laheyd geedi socodka doorashooyinka Soomaaliya ee sannadka 2020 iyo Cabdiqani Cabdi Jaamac oo ah la taliyaha Ra’iisalwasaare Xassan Cali Kheyre,islamarkaana ka warbixin lahaa waxqabadka xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa la sheegay in ay xidhiidh la sameeeyeen, madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay ka codsadeen in kulanka loo fasaxo,hase yeeshee ma suurta-gelin dalabkaas,sida ay xaqiijiyeen ilo xog’ogaal ah. Sidoo kale wararku waxay intaas ku darayaan in go’aanka madaxweyne Gaas ee kulanka lagu joojiyay uu salka ku hayo,khilaafka madaxda Villa Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ee hakiyay xidhiidhka wada-shaqeynta Federaalka.

PUNTLAND POST