Shirweynihii Madasha bandhigga tayada maamul ee hay’adaha dawladda Puntland oo soo xirmay

Shirweynaha Madasha bandhigga tayada Maamul ee Hay’adaha dawladda Puntland oo muddo labo maalmood ah ka soconayey magaalada Garoowe ayaa maanta lasoo gebo gebeeyey iyadoona gunaanadkii shirk laga soo saaray warmurtiyeed la xiriira waxyaabihii shirka looga hadlayey muddadii uu socdey.

Madasha ayaa maanta waxaa looga hadlayey  hannaanka maamul baahinta Puntland oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee Puntland, iyadoona ay wasaaraddu soo bandhigtay guulaha laga gaarey dhismaha goleyaasha deegaanada Puntland iyo caqabadaha kasoo laabtay qayb kamid ah goleyaashii la dhisay.

Sidoo kale waxaa madashasha looga hadlay hannaanka maaraynta maaliyadda Puntland iyo marxaladihii ay soo martay laga soo bilaabo xilligii la’aasaasay Puntland ilaa iyo maanta oo laga gaarey guulo waaweyn inkasta oo ay jiraan dhalliilo aan la inkiri Karin oo mararka qaarka lagu dhalliilo dawladda oo la xiriirta dhanka maaraynta maaliyadda.

Ugu dambayn shirka waxaa laga soo saaray warmurtiyeed la xiriira waxyaabihii shirka laysku weydaarsadey waxaana laysa qaatay inay madashan joogteynteedu muhiim u tahay tartan dhexmari kara hay’daha dawlad goboleedyada iyo guud ahaan hay’adaha dawladda Federaalka Soomaaliyeed