Shir lagu soo badhigay siyaasadda lasocodka tayada shaqaalaha Puntland oo lagu qabtay Garoowe

Kulan looga arrinsanayey sidii loo dejin lahaa siyaasadda tayada shaqo gudashada shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa maanta ka furmay Garoowe waxaana shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland Jaamac Xirsi Faarax waxaana kasoo qayb galay wakiillo meteleyey dhammaan hay’adaha kala duwan ee dawladda Puntland.

Shirka ayaa dabo joogey mid isaga ka horreeyey oo looga arrinsanayey sidii loo samayn lahaa nidaam lagula socda shaqo gudashada shaqaalaha dawladda si loo kala saaro shaqaalaha ku habboon shaqada ay hayaan isla markaana loo dallacsiiyo ama loogu beddelo meesha uu ku habboon yahay.

Latashi dheer kadib dooddii waxaa laga sameeyey siyaasad isla markaana waxaa maanta dib loogu soo celiyey wakiillada dawladda si ay uga doodaan  marka isla markaana ay uga soo baxdo siyaasad cad oo laysku raacsanyahay taas oo iyadu gundhig u noqon doonta hufnaanta shaqaalaha.

Shirkaana ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda shaaqaalaha rayidka ah iyo xafiiska xiriirka Mashruuca CIP ee PCU waxaana qayb ka ahaa khuburo caalami ah oo ka socdey Baanka adduunka kuwaas oo dawladda kala shaqaynaya dejinta siyaasadahaan muhiimka u ah dawladda.