Shir looga hadlayey qorsheyaasha dawladda Puntland oo Garoowe lagu qabtay

Shir looga hayey  qoraheyaasha dawladda oo maanta ka furmay Garoowe ayaa waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland oo kaashanaysa  guddiga xiriirka Mashruuca tayaynta shaqaalaha dawladda ee PCU.

Waxaa diirradda lagu saarayey shirka muddadii uu socdey  waxyaabihii ka qabsoomay qorsheyaasha dawladda ee sannadka, waxyaabaha hadda socda iyo waxyaabaha aan qabsoomin ee la doonayo in la qabto sannnadkaan 2018-ka iyo sidoo kale dejinta qorsheyaasha 2018-ka.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo ka kala socdey dhammaan hay’adaha kala duwan ee dawladda Puntland kuwaas oo si qooto dheer u lafo gurayey sidii si dhab ah loogu daraasayn lahaa dhammaan arrimahaas iyadoo si gaar ah loo dersayey waxyaabaha aan qabsoomin iyo sababihii keenay.

Shirka ayaa socon doona muddo labo maalmood ah waxaana gebagebada kulanka la qorshaynayaa in ay kasoo baxaan qodobbo dhaxal gal u ah dejinta qorsheyaashaal masiiri u ah dawladnimada Puntland si loosoo saaro adeegyo tayo u leh shacabka Puntland