Ciidamadaan oo tiradooda aheyd 160-askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka Somaliland ayaa isku dhiibay ciidamada Puntland.
Ciidamadan oo ku sugnaayeen deegaanka Caraweyn ayaa si rasmi ah isugu dhiibay shalay galinkii dambe ciidamada Puntland.
Ciidamadan ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Buuhoodle waxaana halkaasi warbaahinta kula hadlay taliyihii hogaaminayay iyo xildhibaano ka tirsan Puntland.
Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Cismaan Gar’adag oo hogaaminayay ciidamadaan ayaa sheegay in ay ka soo goosteen Somaliland islamarkaasina ay ku biireen Puntland.
