Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa faah-faahin dheeriya ka bixisay khasaaraha dhabta ah ee musiibadii 14-kii bishan October ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Shir saxaafadeed ay si wada jir ah ugu qabteen meeshii musiibadaasi ka dhacday Wasiirada Amniga iyo Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayay ku shaaciyeen khasaaraha dhabta ah ee musiibadaas iyo dad ay sheegeen in ay u qabteen.
Eng Cabdiraxmaan Cumar Yariisow Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dhimashada guud ahaan ay tahay 358 qof, halka dhaawacuna yahay 228 qof.
Sidoo kale Yariisow ayaa sheegay in 122 qof oo dhaawac ah Caafimaad loogu qaaday dalalka Turkiga, Sudan iyo Kenya, inta guryahooda lagu celiyay ay tahay 99 qof, Isbitaaladana ay hadda jiifaan 7 qof, halka nolol iyo geeri lagu la’yahay 56 qof.
Dhanka kale Maxamed Abuubar Ducaale Islow Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa isna sheegay in falkaas dad loo qabqabtay baaritaana ku hayaan, kadib ay shaacin doonaan sidii uu falkaasi u dhacay iyo cidii ka danbeysay.
PUNTLAND POST