PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Senator Faroole oo ka hadlay xaaladda Soomaaliya

Share

Madaxweynihii hore ee Puntland senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu dhammaaday muddo-xileedkii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Senator Faroole wuxuu tixraacay go’aankii Maxkamadda Sare ee 5-tii Nofeembar 2026, kaas oo sheegayay in uu dhammaaday muddo-xileedka dowladda, kuna baaqayay in hannaanka doorashada lagu heshiiyo 30 maalmood gudahood, doorashadana lagu qabto 90 berri gudahood.

Dhanka kale senator Cabdiraxmaan Faroole wuxuu dhaliilay hadalladii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsanaa dowladda Imaaraadka Carabta, isaga oo ku tilmaamay kuwo dhaawacaya xiriirka diblomaasiyadeed.

Wuxuu tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo dalalka Khaliijka ku dhisan yahay taariikh, juqraafi, dhaqan iyo ganacsi, islamarkaana uusan go’ayn cid walba oo madaxweyne ka noqota dalka.

Faroole wuxuu ku eedeeyay Xasan Sheekh in uu latashi la sameyn waayay dowlad goboleedyada, in uu faragelin & kala qaybin ku sameeyay Jubaland iyo in uu xiriirka Somaliland uga sii daray oo ku sameeyay go’doomin.

PUNTLAND POST