Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxii 14-kii bishaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada muqdisho kaasi oo wali aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadiisa.
Wargeyska The Guardian ee kasoo baxa dalka ingiriiska ayaa daabacay in askari hore uga tirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya uu ahaa qofkii ka dambeeyay qaraxii galaaftay in kabadan saddex boqol oo ruux.
Weerarkan ayuu wargeyska ku sheegay in uu ahaa mid aargoosi u ahaa weerarkii ay ciidamada dowlada Federalka Soomaliya ku qaadeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo toban ruux oo rayid ahaa lagu diley sanadkaan gudhiisa.
“Weerarkan waxa uu ahaa mid lagu doonayay in lagu qaado garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxana waday gaariga qarxay askari hore uga tirsanaa ciidamada dowlada kaasoo ka soo jeeda deegaanka Bariire.”ayuu daabacay wargeyska The Guardian .
Sidoo kale wargeyska The Guardian ayaa sheegay in Hay’adda amaanka Dowladda Soomaliya ay shaqsiyaad u qabteen qaraxaas dhacay ayna u sheegeen in ay ka dambeeyeen qaraxa dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.
Waxaa soo baxaya faahfaahino la xiriira weerarkan waxana uu qoray wargeysku in labo baabuur oo mid kamid ah uu ahaa Noah iyo baabuur weyn oo nooca Milatariga ay isticmaalaan laga soo buuxiyay waxyaalaha qarxa, islamarkaana lala doonayay Garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde iyo xarunta Medina Gate.
Wargeyska ayaa waxaa uu qoraalkiisa sii raaciyay in gaariga yar ay joojiyeen ciidamo ka shakiyay waxaana uu qarxay iyadoo wadihii ay su’aalo weydiinayeen askar,waxana uu ahaa wadihii gaariga nin hore ugu dhaawacmay weerar isqarxin oo lagu qaaday hotel Jazeera oo u dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdiaho sanadkii 2012-kii.
Sidoo kale Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in labada baabuur ee qaraxa ka dambeysay loo maleynayo in ay ka soo tageen deegaanka Bariire, islamarkaana milkiilaha baabuurka weyn uu ka soo jeedo deegaankaas haatan la xirey oo su’aalo la weydiinayo.
PUNTLAND POST