Kulan lagu taageerayo Shirkii Kismaayo oo lagu qabtey Garowe.

Waxaa magaalada Garowe lagu qabtey kulan lagu taageerayo Go,aamadii kasoo baxay Shirkii Kismaayo ay ku yeesheen madaxda Dowlad Goboleedyadda Soomaaliya, Sidoo kalena dadkii kasoo qeybgalay waxay tacsi tiiraanyo leh u direen shacabka Soomaaliyeed iyo Ehelladda dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay xarunta dalxiiska iyo dhaqanka ee Hiddo Raac Garowe waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal,Odoyaal,Ganacsato,Haween iyo Dhalinyaro, waxayna dhamaantood bogaadiyeen qodobadii kasoo baxay Shirkii Kismaayo.

Agaasime kuxigeenka Hay,adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Puntland Cabdikariim Dhagaweyne oo door ku lahaa qabanqaabada kulanka ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo qodobadii kasoo baxay shirkii dhawaan madaxda maamul goboleedyaddu ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale dadka ka hadlay kulanka ayaa fariin u direy shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland oo ay kula balameen inay qeyb ka qaataan sugida iyo adkeynta Nabadgalyadda, Iyagoona shucuurtooda ku muujiyey sidey uga xun yihiin dhacdadii ka dhacday 14 October 2017 magaalada Muqdisho.

Daawo Muuqaalka Kulanka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.