Ankara (PP) ─ Xukuumadda Turkiga ayaa gargaar caafimaad oo deg-deg ah u soo diray dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay musiibada Muqdisho ka dhacday shalay oo Sabti ahayd, Qaraxaas oo lagu tilmaamay midkii ugu xoogga badnaa ee Muqdisho ka dhaca.
Madxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa mar ku bixiyay in loo diro Somalia diyaarad gargaar caafimaad sidda, si loo caawiyo shacabka ay dhibaatooyinku kasoo gaareen weerarkii ka dhacay Muqdisho.
Sidoo kale, Wararka ayaa sheeaya in gargaarka Turkiga ay bar-bar socdaan dhakhaatiir ka socda dalkaas, sida ay gacan uga geystaan khasaaraha kasoo gaaray shacabka Soomaaliyeed Qaraxii weynaa ee shalay dhacay.
Gargaarkan caafimaad ayaa la filayaa in lagu wareejiyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya si loogu daweeyo dadka shacabka ah ee dhibaatadu soo gaartay, kuwasoo tiro ahaan gaaraya haatan boqolaal qof.
Dhanka kale, Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa qarax waxashnimo ah oo lagu laayay shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galbasan.
Ugu dambeyn, Garaarka caafimaad ee Turkigu soo diray ayaa lagu wadaa in saacadha soo socda uu soo gaaro Muqdisho, mana ahan markii ugu horresay ama ugu dambeysay oo Xukuumada Turkigu uu soo gaarsiiyo gargaar dadka Soomaaliyeed ee u baahan.
PUNTLAND POST